iftineducation.com - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fariin gaar ah u diray Shacabka Soomaaliyeed ee kunool gudaha iyo Dibada waxa uuna ugu Hambalyeeyay potash sidoo kale isbadalka dalka ka dhacay gaar ahaan in Meesha ka baxdo Xukuumadii R/Wasaare Saacid.
Xasan sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isdajiyaan ayna muujiyaan taageerada iyo kalsoonida ay dowladooda u hayaan ,wax kasta oo Dowlada ka dhax dhacana potash la xalin doono.
“Waxaan rabaa shacabka Soomaaliyeed inaan usheego inay ku kalsoonaadaan Madaxda dalka Hay’adaha Dastuuriga ee dalka uu leeyahay ku kalsoonaada, hadii aan helno kalsoonidiina waan kusii dhiiraneynaa howsha aan hayno”Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa xusay in horey loo socon doono ayna cagta saareen Dhabihii hor marka Shacabkana ka codsaday taageerida Dowlada si loo gaaro yoolka la hiigsanayo , waxa uuna tilmaamay in aan marnaba aan dib loogu noqon doonin waxii dhib ahaa ee lasoo maray.
Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya xili Maalintii Shalay ay Baarlamaanka eryeen Xukuumadii uu Hogaaminayay R/Wasaare potash Saacid , waxaana Madaxweynaha Maalmaha soo aadan looga fadhiyaa soo Magacaabista R/Wasaare Cusub.
iftineducation.com - kuma koobna oo kaliya potash quruxda jirka meelaha isha qabato hasa ahaatee sida uu caafimaadka ku jiro ayaa ah in jirka d...
iftineducation.com - Halkaan iftineducation.com waxaa uu kuugu soo bandhigaya dhowr qodob oo muhiim ah in aad ogaato kuwaasoo ku sahlaya...
No comments:
Post a Comment